CUTUBKA 3AAD : XIRFADAHA AFKA Xirfadaha afku waa in bare- ardaygu horumar ballaaran ka sameeyo akhrinta , qoraalka , hadalka , iyo dhegaysiga . Casharada bare- ardayga la siinayo waa in ay isugu jiraan akhrinta , hadalka , dhegaysiga , iyo qoraalka . Sidoo kale waa muhiim in bare- ardaygu horumar ka sameeyo dhanka erayeynta ( naxwe ) iyo suugaanta (tix, tiraab , maanso , dhaqan , iyo riwaayad ). Haddii Allaah idmo waxa aynu cutubkan ku barandoonaa xirfadaha afka ee akhrinta iyo qoraalka
Ujeeddooyinka : Cutubka 3aad Kolka bare- ardaygu dhammeeyo cutubkan waxa uu fahmo iyo garasho suubban u yeelandoonaa in uu : • sheego oo ardaydiisa ku dhiirigelin karo muhiimadda wax akhrintu leedahay . • sharraxo habka iyo hannaanka loo qoro dhambaallada tusmaynta .
Socda …… • yaqaano habka iyo hannaanka loo qoro dhambaallada sharraxaadda iyo dood cuddon . • sharxo hannaanada kala duwan ee loo qoro dhambaallada kala duwan . • Qoro dhambaallo kala duwan oo waafaqsan hababka qoraallada .
Casharka 1aad : A khriska HORUDHAC Wax akhrinta waxaa lagu qeexaa xirfad la kasbado iyada oo la adeegsanayo afka , maqalka , iyo qoraalada kala duwan si qofku u kordhiyo aqoonta ku kaydsan maskaxdiisa iyo maankiisa . Wax akhrintu waxa ay kordhisaa aftahanimada qofka , cod karnimadiisa , iyo in uu qofku noqdo hoyga fikirka iyo hal abuurka . Wax akhrintu waxa kale oo ay firfircooni gelisaa aqoontii hore qofka ugu duugnayd . Wax akhrintu waa hooyada af aqoonta , aqoonta kale, iyo horumarka
SOCDA…. . Awoodda wax akhrinta ee dadku waa ay kala duwan tahay . Heerarka lagu cabirana waxaa ka mid ah in qofku qeybo ( xifdiyo ) 100 eray hal daqiiqo , in qofku akhriyo casharka fasalka 100-200 oo eray hal daqiiqo , in qofku akhriyo sheeko 200-400 eray hal daqiiqo , in qofku isha marin karo 400-700 oo eray hal daqiiqo si uu fahan guud uga qaato halkudhegga hor yaal . Dadka tartanka ku gala wax akhrinta waxa ay daqiiqadii akhriyaan 800 oo eray iyo ka badan . Barashada afka hooyo waxaa aasaas u ah wax akhrinta . Dhaxalka ugu fiican ee qof barahiisa kala hari karaa waa wax akhrinta .
SU’AAL Bare- arday waxa aad magac Af-Soomaali ah u bixisaa qofka qoraalka afka ku fiican , kan hadalka ku fiican , kan akhrinta ku fiican , iyo kan dhegaysiga ku fiican ?
Ujeeddada Casharka 1aad Kolka Bare- ardaygu dhammeeyo casharkan waxa uu karti , karaan , iyo dhufsiino u yeelandoonaa in uu : • sheego muhiimadda iyo dhaxalka ay reebto wax akhrintu • cabbiro in wax akhrintu tahay furaha barashada afka hooyo iyo aqoonta kale .
SOCDA…. • kaso in wax akhrintu dhaxal ma guuraan ah u tahay horumarka gaar ahaan caafimaadka qofka . • yaqaano qaababka loo asteeyo afka iyo qaybaha erayeynta ee ku taxaluqa . • Ka warceliyo weydiimo ku salaysan qormo uu akhriyay
Waxqabadka 1aad: Waxa aan ka warcelinayaa weydiimaha soo socda . 1 . Waxa aad sharraxaad kooban ka bixisaa muhiimadda wax akhrinta ardaydu u leedahay wax dhigistaada iyo sida aad ugu dhiirigeliso ardayda kolka aad wax u dhigayso . 2 . Waxaa la soo tebiyaa in wax akhrintu tahay dhaxalka ugu fiican qof kala haro barahiisa . Haddaba dood dheelitiran ka qor sida ay ku noqotay .
Waxqabadka 2 aad : Waxa aan ka warcelinayaa weydiimaha la xiriira casharka ee la i warsaday . Weerayaasha soo socota waxaa laga xayuubiyey waxa kasta oo ku saabsan far waaweyneysiin iyo astaynta afka . Haddaba dib u qor oo meeshii u baahan xaraf weyn ama astayn suubbi .
Waxqabadka 2 aad : • aadam weyne waxaa uu dhigtaa dugsiga farmada gacanta burco sidoo kale waxa uu wax ka bartaa dugsiga sare ee macalim jaamac • axmednuur yare waxa uu shalay aroortii cabbey caano dhay dambar ah oo laga soo maalay geel dhalay oo haleelo ah
Waxqabadka 3aad : Waxa aan ka warcelinayaa weydiimaha soo socda . 1 . Waxa ay erayeynta ( naxwaha ) Soomaaligu leedahay falkaab wax ka sheega ama faahfaahiya sida falku u dhacay , ama meesha uu ka dhacay , ama goorta uu dhacay . Tusaale ahaan , Aamina waxa ay fadhidey guriga hortiisa . Ardaydii waxa ay tuban yihiin fasalka dhexdiisa . Ugu horayn waxa aan arkay hooyo fiican . Bare- arday waxa aad weerayaasha soo socda hoosta ka xariiqdaa inta falkaab ee weer kasta ku jirta :
Waxqabadka 3aad : • Halkaas waxaa taagan nin waalan oo lagu xanto in uu dilaa yahay , laakiin weli lama arag cid uu dhibaato u geystey inkasta oo uu guryaha hortooda fadhiisto
Waxqabadka 4aad
Waxqabadka 5aad
casharka 2aad: qoraalka Horudhac Qoraalku waa walax aadamuhu warka iyo wacaalka isku gaarsiiyo . Walaxdaas oo ah summado u taagan dhawaaqyada kala duwan oo afka qofkaasi ku hadlayo ama bulshadaasi ku hadlayso . Halkii summad ee kasta waxa ay u taagan tahay dhawaaq gaar ah. Afafka carro-edeg waxa ay inta badan hal summad u taagan tahay hal dhawaaq oo la yiraahdo xaraf ama juuq . Kolka bulsho kasta oo af gaar ah leh ay abido xarfaha dhawaaqyadooda waxaa la yiraahdaa far. Kolka dhowr summadood kulmaan oo macno sameeyaan waxa ay noqdaan eray .
Waxqabadka 1aad : Waxa aan ka warcelinayaa weydiimaha la xiriira casharka ee la i warsaday Intee in le’eg baad u malaynaysaa in wax qoris la’aantu ay turunturo ku tahay horumarka ardayda Soomaaliyeed Maxaa ay noqon karaan waxyaabaha ardayda ku dhiirigelin kara in ay si wacan u bartaan xirfadaha qoraalka
Waxqabadka 1aad : Waxa aan ka warcelinayaa weydiimaha la xiriira casharka ee la i warsaday 3 Qoraallo noocee ah ayaad is- leedahay waa ay u baahan yihiin ardayda dugsiyada waxbarashada aasaasiga ah
Waxqabadka 1aad : Hadda waxa aynu soo qaadanaynaa in aynu faahfaahin dheeraad ah ka bixino qaar ka mid ah dhambaallada si loo kordhiyo fahamka baruhu u leeyahay qoraalka dhambaalladaas : • Wareegto : Wareegtadu waa dhambaal ama warqad ka soo baxday xafiis dawladeed oo dadweynaha , kooxaha , ama qofafka gaarka ah faraysa wax waajib ah ama ka reebaysa wax la diidan yahay .
Waxqabadka 2 aad : Warqad Ganacsi : Warqadda ganacsigu waa dhambaal u dhexeeya labo jiritaan oo ganacsi ama ka badan oo is dhaafsanaya war iyo wacaal la xiriira ganacsigooda Warqad Saaxiibtinimo : Warqadda wadeeynimadu waa dhambaal ay isu dirayaan labo qof iyo ka badan oo wadeeyo ah.
Waxqabadka 3aad : 1: Maxaa aad isleedahay waxa ay tahay dhibta ugu badan ee guud ahaan bulshada , gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed ka haysata xirfadaha qoraalka sida : Erayeynta , higgaadda erayada , xog ururinta , tifqanyotirka , dhismaha weeraha , isku xirka weeraha iyo tuducyada , mise waxaa jira dhib intaa ka qarowayn ? Faahfaahi jawaabahaaga .
Waxqabadka 3aad : Qoraal aad is- leedahay waxaa ku jira gefaf badan ka soo qaado baraha bulshada ; ka samee qormo meelaha ay gefafka ka jiraan , isla kolkaasna waxa aad ku samaysaa tifqanyotir dhammaystiran oo aad kaga dhigayso qoraal dhammays ah . Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo ka shaqeynaya mooshinka xil-ka-qaadista Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la kulmay Xildhibaan Jacfar iyagoo ka codsaday inuu saxiixo . Jacfar ayaa si cad u diiday , isagoo yiri : “ Idinkii laba bil wax ka yar mucaarad ahaa , miyaa hadda naga dhaadhicinaaya inaan Xamse rido ” Wuxuu intaas ku daray inuu difaacayo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha .
Waxqabadka 4 aad : Waxa aan ka warcelinayaa weydiimaha la xiriira casharka ee la i warsaday 1: Waxa aad dejisaa shuruudo aad doonayso in ay yeelato xogta aad u ururinayso qoraalkaaga . Xogtaas oo inta badan ka imaanaysa ilo kala duwan ama dad kala duwan . 2: Waxa aad ka sheekaysaa siyaabaha kala duwan ee xirfadda qoraagu u saamayso xifadaha kale ee aftahanimada , isgaarsiinta , murtida , hoggaaminta , iwm
Waxqabadka 4 aad : 3: Waxa aad qortaa qormo ka hadlaysa manhajka cusub ee qaranka iyo sida uu u saameeyay guud ahaan waxbarashada aasaasiga , gaar ahaanna maaddada af-soomaaliga Manhaj ka cusub ee qaranka waxa uu sameeyay in wax barashada aasaasiga ah ay noqoto mid dheelistiran oo uu ardaygu la falgalayo casharka tusaale ahaan cashar kasta in uu leeyahay wax qabad iyo su , aalo ku was oo aha I tus oo I taabsii