TEKNOOLOJI CUTUBKA 3AAD XOG IYO MACLUUMAAD LACTURER: UST AHMED OSMAN
Group Three Members Group Name: No: 1. Mohamed Salad Mohamed: 44 2. Mahad osman abdi dahir : 27 3. Mahad Mohamed Hussein: 25 4. Ismail mohamed sheikh omar : 8 5. Kaamil Abdikadir Elmi : 16 6. Mahdi muhudin adam : 28 7. Mahad Moh'ud Abdirahaman : 26 8. Mohamed Sharif Yusuf: 34 9. Khadra Abdinur Farah: 19
Horudhac Dood cuddoon waxa ay ku saabsan tahay bandhiga aragtiyaha kala duwan ee dadka maankoodu kala duwan yahay . Qof kasta waxa uu soo bandhigayaa dooddiisa , laakiin guddoonka waxaa looga tageyaa akhristayaasha iyo dhegaystayaasha . Si ay doodda cuddoon ee aad soo bandhigayso u noqoto mid tayo leh oo wacan , waxaa muhiim ah in ay ka kooban tahay dhowr waxyaabood oo aad dhegaystaha ama akhristaha ku tirtirsiin kartid in uu warkaaga qaato ama aad isku aragti noqotaan . Inta aadan bilaabin doodda qoraalkeeda ama soo bandhigista aragtidaada iyo dooddaada waxaa muhiim ah in aad waqti ku geliso wax kala qorshayn . Haddii Allaah idmo waxa aan tusaale u soo qaadanaynaa Soomaaliya ma noqon kartaa Dawlad Wadaag ah iyo Maamul Goboleedyo . Sidaas awgeed waxaa dooddan iskaga soo horjeeda dad diidan in Soomaaliya noqoto Dawlad Wadaag ah iyo Maamul Goboleedyo , iyo kuwo ku dooddaysa in Maamul Goboleedyada loo baahan yahay .
Ujeeddada Casharka 5 aad Kolka baruhu dhammeeyo casharkan waxa uu karti , karaan , iyo dhufsiino u yeelandoonaa in uu : yaqaano sida loo qoro dood dheelitiran oo ay ku dheehan tahay garwaaqsiin iyo eex la’aan . sheego qaybaha iyo qaab dhismeedka dood dheellitiran oo cidda la- la doodayo qancisa . sharxo waxyaabaha qancin kara oo garyigil ka dhigi kara qofka ama cidda la la doodayo . Qoro dood dheellitiran oo maangal .
Waxqabadka 1 aad Waxa aan ka warcelinayaa weydiimahan hoose :. Tuduca ugu horreeya ee doodda cuddoon maxaa uu ka hadlaa ? Maxaase lagu magacaabaa tuducaas ? Tuduca labaad ee doodda cuddoon maxaa uu ka hadlaa ? Maxaase lagu magacaabaa ? Maxaa ay doodda qoraalka ah kaga duwan tahay tan hadalka ah oo ay doodayaasha is horfadhiyaan ?
Dulucda - Doodda Cuddoon waxa ay inta badan ku salaysan tahay dhowr qodob . Ugu horrayn waa in aad haysataa walax , qof , ama meel dood ka curan karto . Walaxda dooddu ka curan karto waa in ay leeyahay arrimo iska soo horjeeda oo mid kasta doonayso in kan kale la buriyo oo keedu ahaado . Walxaha dooddu ka curan karto waxaa ka mid ah oo ay noqon karaan : Dhaqanka Soomaalidu waa uu tirtirmayaa iyo dhaqankii dib buu u soo noolaanayaa . Soomaaliya way adag tahay in ay isu soo noqoto oo qarankeedii dib u qotomiso , iyo inkasta oo Soomaalida qarankeedii burburay wax yar baa ka haray intii ay isugu soo noqon lahayd . Qaadku waa booli in la cuno isla kolkaana waa qof , qoys , iyo bulsho dumiye . Sidoo kale waxaa jira qolyo qaba in aanu booli ahayn ee yahay walax laga ganacsado oo aan dhibteedu buurayn .
Gololladu waa in aanay noqon oo keliya mid dood ka curan karto oo xiiso leh , laakiin waa in ay noqotaa mid xog ka abuurmi karto oo dooddu sii socon karto . Kolka aad qaabaynayso oo soo bandhigayso dooddaada waa in aad muujisaa waxyaabaha aad rumaysan tahay ee aad ku dooddayso , isla kolkaasna waa in sharraxaadaada laga dareemo sida waxa aad rumaysan tahay u qaabeeyeen dooddaada iyo sida ay maangal u tahay Diyaarso inta barood ama dhibcood ee aad ku dooddayso . Dhibcaha aad ku doodayso waa in ay yihiin kuwo wiiqi kara doodda kaa soo horjeedda . Sidoo kale waxa aad diyaarisaa inta barood ama dhibcaha lidkaaga ah ee doodda kaa soo horjeedda adiga oo garsoor u samaynaya , isla kolkaasna muujinaya liidnimada ku jirta ee lagu wiiqi karo . Soo bandhig qodobada lagaga guulaysan karo doodda lidkaaga ah adiga oo muujinaya awoodda dooddaada iyo liidnimada iyo jilayca doodda kan kaa soo horjeedda .
Awoodda dooddaada oo keliya ma soo bandhigi karto in aad doodda ku guulaysato , laakiin waa in aad dooddaada caddaymo taageeraya u raadisaa . Qodob kasta oo aad ku dooddayso waa in aad ku lartaa caddayn taageeraysa . Qodobada taageeraya dooddaada waxa ay noqon karaan aragti aad qabto oo kula suubban , laakiin waxaa fiican in aad dooddaada taageero uga raadiso wax dhab ah oo aan cidna dafiri karin . Ugu dambayn dooddu waa in ay bulshada wanaag ku soo kordhisaa ayna maamuus leedahay . Waxqabadka 2 aad Waxa aan ka warcelinayaa weydiimaha soo socda : Tuduca saddexaad ee doodda cuddoon maxaa uu ka hadlaa ? Maxaa lagu magacaabaa tuduca saddexaad ? Waa maxay dood cuddoon ama dheelitiran ?
Qoraalka doodda cuddoon waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood oo kala ah: arar , duluc , iyo gunaanad . Arartu waa dubka iyo diirka hilibka , dulucdu waa dhuuxa , caddiinka , iyo guduriga hilibka . Gunaanadku waa dheefta iyo abdaha hilibka . Inta badan qaybta koowaad waxa ay noqotaa hal tuduc . Qaybta labaad ee dulucdu waxa ay noqotaa hal tuduc iyo ka badan . Dulucda waxaa loo qaybiyaa duluc horaad iyo Qaybta ugu dambaysa waxa ay inta badan noqotaa hal tuduc ama labo tuduc . Qaybta koowaad ee arartu waxa ay ka kooban tahay sharraxaad kooban oo gololada laga doodayo ku saabsan iyo wee r aha rasmiga ah ee dooddu ku salaysan tahay . Weeraha rasmiga ah ee arartu ka curato waxaa la yiraahda : Weeraha aftahanimada , tusaale ahaan : Soomaaliya ma noqon kartaa Dawlad Dhexe oo Wadaag ah iyo Dawlad Goboleedyo maadaama bulshada tahay isku af , diin , dhaqan , hidde , dhul , iwm .
Kolka aad ararta dhammayso waa in aad sharraxaad kooban ka bixisaa fikirka lagu muransan yahay . Ka dib soo bandhig doodda ay qabaan qolada aragtidaada lidkeeda ah. Soo bandhig doodda ugu culus ee ay cuskan karaan adiga oo u raacinaya aragtiyaha iyo waxyaalaha dhabta ah ee ay gargaarsan karaan . Intaas ka dib soo bandhig dooddaada rasmiga ah ee aad ku difaacayso aragtidaada adiga oo cuskanaya wax kasta oo ku taageeraya dhab iyo aragti aad qabto midka ay doontaba ha noqotee . Muuji oo ku tuuntuunso in aragtidaadu sax tahay , isla kolkaasna caddee in ay ka saxsan tahay qolada lidkaaga ah. Ugu dambayn gaar u soo dooro qodobada ugu adag dooddaada ee aad isku difaacayso .
Ugu dambayn waxa aad doodda ku soo afjartaa gunaanad si kooban u sheegaya waxyaabaha dooddaadu ku dhaadanayso ee dhabta iyo runta gundhiga u ah. Kolka ardaygu diyaarinayo doodiisa cuddoon waxaa habboon in uu iska ilaaliyo waxyaabaha soo socda : Iska jir in aad xoog u adeegsato dood ku salaysan dareenkaaga oo keliya . Gunaanadka dooddaadu waa in uu ku salaysnaadaa arrimo maangal ah, laakiin iska jir gunaanad ku salaysan aragtidaada oo keliya . Caddaymaha aad u keenayso doodahaaga ha curin oo ha samayn , laakiin ha noqdeen kuwo marag geli kara . Doodaadu ha noqoto mid guud oo aan qofna si gaar ah u taabanayn . Ugu dambayn si adag ugu diyaargarow sidii aad doodaada sutida ugu qaban lahayd .
Waxqabadka 3 aad Waxa aan ka warcelinayaa weydiimaha la xiriira casharka ee la i warsaday . Maxaa aynu dood cuddoon u samaynaa ? Waxa aad qodobaysaa nuxurka rasmiga ee qoraalka dood cuddoon ka kooban yahay ? Ma qof ama koox keliya baa doodaya mise qofaf iyo kooxo iska soo horjeeda ? Sidee loo maareeyaa doodahaas oo kale ? Iminka waxa aynu soo qaadanaynaa dood ku saabsan Soomaaliya ma noqon kartaa Dawlad Wadaag Dhexe ah iyo Dawlad Goboleedyo ? Doodda waxaa iska soo horjeedda dad dawlad goboleedyada u arka wax sax iyo dad ku doodaya in ay meel ka dhac ku yihiin Bulshada Soomaaliyeed . Soomaalidu waxa ay ku maahmaadaa : Doqontu meel lagu xifaaltamay bay in lagu kala tagey mooddaa . Doodani ma aha mid dhab , laakiin waa mid ujeeddadeedu tahay dood barasho iyo qoraalkeeda .
Soomaaliya Ma Noqon Kartaa Dawlad Wadaag ah? Tuduca 1aad: Arar Soomaaliya ma noqon kartaa Dawlad Dhexe oo Wadaag ah iyo Dawlad Goboleedyo maadaama aanay bulshada ka dhex jirin wax kala duwanaansho ah oo ku salaysan af , diin , dub, dhaqan , hidde , dhul aad u kala durugsan , iyo dhul ciriiri daran ka jiro . Kol haddii ay meesha ka maqan yihiin waxyaabihii keeni karey in Dawlad Goboleedyo la samaysto maxaa ay tahay baahida kalifaysa in Dawlad Goboleedyo la helo ?
Tuduca 2aad: Duluc Soomaalidu waa dad yar oo dhul ku filan haysta , isla kolkaana aanay jirin wax baahiya oo keenaysa in dalkooda loo qaybiyo dawlad goboleedyo . Inta badan waxyaabaha ugu waaweyn ee keena in bulsho calan iyo soohdin wadaagta yeelato dawlad dhexe oo midow ah iyo dawlad goboleedyo waxa ay noqon kartaa afka oo lagu kala tagsan yahay , diinaha oo lagu kala duwan yahay , dubka oo lagu kala duwan yahay , dalka oo aad u kala durugsan , dhulka oo ay kala dhantaaleen webiyo , buuro ama bad. Tusaale ahaan Itoobiya waxa ay haysataa dal ballaaran iyo dadyow kala af , dub, dhaqan , iyo diin ah. Hindiya , Canada, Maraykanka , Shiinaha , iwm dhammaantood waa dalal ay ka jiraan dhaqamo kala kaan ah, afaf kala duwan , diino iska soo horjeeda , dub kala kaan ah, iyo dhul aad u kala durugsan . Hannaanka dawladd wadaagga Soomaaliya lama garanayo waxa uu ka walax yahay iyo sida uu u shaqaynayo .
Tuduca 3aad: Duluc Dadka qaar baa qaba in dawlad goboleedyadu yihiin wax sax oo lagu naaloon karo . Waxyaabaha ay cuskanayaan waxaa ka mid ah in dawlad goboleedyadu ilaalinayaan kelitalisnimada dawladda dhexe ee wadaagga , awoodda dalka oo dheelitirmaysa , barwaaqada oo si sinnaan ah loo qaybsanayo , shaqo abuur fiican oo si siman loo qaybsanayo , iwm . Sidoo kale waxa ay ku doodayaan in dawlad goboleed kasta si weyn ugu qayb qaadanayso gorfaynta iyo go’aamada waaweyn ee dalka la gaarayo . Sidaas awgeed waxa ay leeyihiin dawlad goboleedyadu waa wax sax ah.
Tuduca 4aad: Duluc Maadaama aanay jirin waxyaabaha carro- edeg sababa in hal dal samaysto dawlad goboleedyo miyaanu keenu ahayn qabiilkii iyo qabyaaladii oo shaati kale loo geliyey . Haddii aynu soo taxno waxyaabaha dhabta ah ee la arkay intii dawlad goboleedyadu jireen waxaa ka mid ah in dawlad goboleed kasta ay haystaan dhowrka reer ee lagu sheego in ay iyagu ugu laandheeraysan yihiin cid kalena ma haweysato jagooyinka sare ee dawlad goboleedkaas . Dawlad goboleed kasta saddex ama afar reer baa ku toogaysta oo isu banneeya . Bulshada inta kale waa halkiina iska jooga oo na dhegaysta . Kolkaad timaado xafiisyada shaqada waxa aad meelaha qaarkood arkaysaa hal xafiis oo konton qof ka shaqayso oo intuba yihiin reeraha jagooyinka madaxtinimada ku toogaysta oo aan laangaab iyo lahaybsooco toona ku jirin . Dhaqaalaha dawlad goboleedka ka soo baxa , dhaqaalaha dawladda dhexe yimaadda , iyo dhaqaalaha hey’aduhu keenaan intaba waxaa bareer iyo boob midkay doontaba ha noqotee cuna oo qaybsada reeraha dawlad goboleedkaas ku toogaysta .
Waxbarashada aqoondirsadka ee ay qaybiso Wasaaradda Waxbarashada ee Dawladda Wadaagga Soomaaliya kolka ay gaaraan dawlad goboleedyada waxaa kala qaybsada reeraha meesha ku toogaysta . Kolka ay qaataan miidda iyo inta mac bay gufarka yiraahdaan u qaybiya laangaabka iyo haweenka . Lahaybsooco lama soo qaado oo iyaga warkooda lama keeno aagga wax lagu gorfaynayo ama lagu kala goosanayo . Sidaas awgeed waxaa dawlad goboleedyada ku dulman kumaan kun laangaab iyo kumaan kun la haybsooce oo aan wax garsoor suubban ah ku dhex lahayn dawlad goboleedka ay ku nool yihiin . Kol haddii arrimuhu sidaas yihiin miyaanu ahayn dastuurka rasmiga ah ee ka dhex shaqaynaya dawlad goboleedyada kii qabiilka iyo qabyaaladda ee ahaa : Ha noolaado qabiilku - haba sheegin sinnaanta . La haybsooco halkiisa - Laangaab ha iska joogo . Ha soo qaadin garsoorka - Haba sheegin haweenka . Haybtii tiro leh ee joogta - Hala dhegaysto warkooda .
Tuduca 5aad: Duluc Tan kale waxyaabaha ay ku doodayaan dadka u ololeeya dawlad goboleedyada oo ah in ay ilaalinayaan kelitalisnimada dawladda dhexe waa arrin u wada taal dadweynaha Soomaaliyeed ee ma aha wax u gaar ah dawlad goboleed iyadaba hal reer ku amar ku taagleeyo . Sow innaga samaysanay labo gole dadweyne oo u taagan in ay ilaaliyaan soohdin durugsiga dawladda dhexe iyo xeer dejinta . Tan kale kelitalisnimadu waa hannaan maamul oo adduunka oo dhan ka soo horjeedo sidaas darteed suurtogal ma aha in uu dib u soo noqdo . Ma laga yaabaa in kelitalisnimadu ka jirto dawlad goboleedyada . Tan kale ee oranaysa dawlad goboleedyadu waxa ay ka shaqeeyaan in barwaaqada si siman loo qaybsado waa arrin lagu qoslo waayo dhulkeena oo idil baa wada barwaaqo ah. Sidaas awgeed wax keli keli loo yeesho waxaa ka barkhad badan wax wadar ahaan loo wada yeesho oo loo wada ilaashado . barwaaqada dhulkeena taal waxa ay ku filan tahay dhowr kun oo ayni oo soo fool leh . Sidaas darteed waa wax cid kasta ka dhergeyso oo u baahan dawlad dhexe oo xoog badan oo inoo wada ilaalisa .
Tan kale barwaaqo qaybsigu waa wax heshiis iyo xeer lagu dhigi karo ee ma aha wax dawlad goboleed loo samaysto . Dhanka shaqo abuurka haddii aynu wada ilaashano dawladeena dhexe baa ku filan shaqo abuurka iyo in qof kasta nolol fiican helo . Sidoo kale waxa ay ku doodayaan in dawlad goboleedyadu ka qayb qaataan gorfaynta iyo go’aamada dawladda dhexe , laakiin miyaanay arrintaasi ahayn tan aynu u samaysanay labada gole dadweyne ee Xamar fadhiya . Sidoo kale waxaa intaas ku filan guddoomiyayaasha gobol kasta u fadhiya dawladda dhexe iyo duqeyda magaalo kasta ee dadweynuhu doorteen . Shaqo meel kasta waa laga helayaa haddii dalku barwaaqo noqdo oo aynu kol walba si fiican oo wadajir ah u wada taageerno dawladdeena dhexe . Tan kale qofka oo Soomaaliya oo dhan shaqo ka heli kara maxaa ku koobay dhul gaar ah iyo dawlad goboleed shaati qabiil gashan . Hawlaha ugu badan ee dawlad goboleedyadu qabtaan waa dhuldurgsi xoog iyo xeel lagu riixayo tolalka taagta yar .
Waxqabadka 4 aad: Waxa aan ka warcelinayaa weydiimaha soo socda : Weeraha aftahanimada ee doodda dheelitiran waxaa ay ku jiraan : Dood horaadda qoraalka Ararta doodda Dood dambeedda qoraalka gunaanadka doodda Ma sax baa in qalfoofka dood cuddoon noqonayo sida soo socota : arar , dood horaad , dood dambeed , iyo gunaanad hordhac , arar , dood horaad , dood dambeed , iyo gunaanad dood horaad , hordhac , arar , dood dambeed , iyo gunaanad Weerayaasha soo socda kuwee baa dood cuddoon ka dhalan kartaa . Goobo geli dhammaan ku dood ka curanta Tebiyayaasha gacanta waa in la joojiyaa . Marriinka dugsiyada maxaad qabtaa in ardayda laga joojiyo . Shaqada guriga waa in ardayda laga joojiyaa . Carruurta waa in loo ogoladaa in ay doorashooyinka codeeyaan . Dugsiyada waa in la dhigtaa Jimcaha iyo Khamiista
1. Arar Waa magaca dooddu ku socoto. 2. Dood dambeed waa dubka iyo diirka hilibka. 3. Maamuus Duluc hore waa dhuuxa, caddiinka, iyo guduriga hilibka ee qofka doodaya. 4. Gunaanad Waa oraahda lagu furfuro farriinta doodda. 5. Dood horaad waa dheefta iyo abdaha hilibka. 6. Weeraha aftahanimada Duluc dambe waa dhuuxa, caddiinka, iyo guduriga hilibka ee qofka doodaada ku lid ah. Waxaa lagaa rabaa in aad qorto dood cuddoon oo ku saabsanhabka : « waxdhigidda waxaa wanaagsan habka macallinku xuduntu yahay iyo mayee waxaa wanaagsan kan uu ardaygu yahay xudunta waxbarashada . Isku aaddi erayga hore iyo weeraha dambe