Dameeraha ayaa si joogto ah loogu isticmaalaa rarista alaabaha culus, iyadoo aan loo fiirin awooddooda dabiiciga ah. Waxaa jira xaalado badan oo lagu arkay dameero dhaawac xooggan qaba oo haddana lagu khasbayo shaqo, sida rarista biyaha ama alaabaha suuqyada. Magaalada Muqdisho, tusaale ahaan, waxaa...
Dameeraha ayaa si joogto ah loogu isticmaalaa rarista alaabaha culus, iyadoo aan loo fiirin awooddooda dabiiciga ah. Waxaa jira xaalado badan oo lagu arkay dameero dhaawac xooggan qaba oo haddana lagu khasbayo shaqo, sida rarista biyaha ama alaabaha suuqyada. Magaalada Muqdisho, tusaale ahaan, waxaa si joogto ah loogu arkaa dameero dhabarka ka jabay kuwaasoo haddana loo isticmaalayo gaadiid.
Size: 365.22 KB
Language: none
Added: Dec 16, 2024
Slides: 3 pages
Slide Content
Dayac iyo Daryeel Xumadda Heysata Dameeraha Soomaaliya
W/Q:- Zakariye Abdifatah Ahmed ( DVM, MPHIL)
Dameeruhu waxay door muhiim ah ka
ciyaaraan dhaqaalaha iyo nolosha bulshada
Soomaaliyeed, gaar ahaan miyiga iyo
magaalooyinka yar-yar. Si kastaba ha
ahaatee, Soomaaliya waxaa ka jira caqabado
badan oo saameeya daryeelka dameeraha,
taasoo ka dhalatay duruufo dhaqaale,
wacyigelin la'aan, iyo nidaam daryeel
caafimaad oo liita. Qormadan waxay diiradda
saareysaa dhibaatada ay dameeraha ku
qabaan Soomaaliya iyadoo tusaalooyin cad
laga bixinayo xaaladaha dhabta ah ee dalka
ka jira.
Dhibaatada Daryeelka Dameeraha ee Soomaaliya
1. Wacyigelin La'aan Dad badan oo
Soomaaliyeed ma fahansana
muhiimadda daryeelka dameeraha.
Dameeraha ayaa loo arkaa kuwo u
adkeysan kara xaalado adag iyadoon
loo baahnayn daryeel joogto ah. Dad
badan oo isticmaalaya dameeraha
uma fiirsadaan caafimaadkooda,
taasoo sababta dhaawacyo iyo
xaalado caafimaad oo aan la
daaweyn. Tani waxay keentaa
dhimashada dameeraha oo si weyn
uga muuqata gobollada ay
isticmaalka dameeruhu badan yahay
sida Bay iyo Bakool.
2. Cunno iyo Biyo La'aan:- Soomaaliya oo
wajahaysa abaaro soo noqnoqda ayaa
ka dhigaysa in cuntada iyo biyaha ay
noqdaan kuwo si xad-dhaaf ah ugu
kooban dadka. Dameeraha, oo aan loo
arag kuwa mudan muhiimad, ayaa
inta badan lagu qasbaa in ay
shaqeeyaan iyagoo aan helin biyo
ama raashin ku filan. Tusaale ahaan,
abaarta ka jirtay Gobolka Gedo
sannadkii 2023 ayaa sababtay in
boqollaal dameer ah ay u dhintaan
gaajo iyo haraad.
3. Kaabayaasha Daryeelka oo Liita
Soomaaliya kama jiraan xarumo
caafimaad oo si gaar ah loogu
talagalay dameeraha, waxaana sidoo
kale aad u yar xirfadlayaasha xoolaha
oo aqoon u leh daryeelka dameeraha.
Dadka mulkiilayaasha dameeraha ah,
gaar ahaan kuwa ka soo jeeda
beeraleyda iyo xoola-dhaqatada, uma
helaan adeegyo caafimaad oo u gaar
ah dameeraha. Tani waxay sababtaa
in dameeraha caafimaadkoodu liito
uu si fudud ugu dhaco cudurro, taasoo
sii adkeysa shaqadooda.
4. Culays Xad-dhaaf ah iyo Shaqo Joogto ah
Dameeraha ayaa si joogto ah loogu
isticmaalaa rarista alaabaha culus,
iyadoo aan loo fiirin awooddooda
dabiiciga ah. Waxaa jira xaalado
badan oo lagu arkay dameero
dhaawac xooggan qaba oo haddana
lagu khasbayo shaqo, sida rarista
biyaha ama alaabaha suuqyada.
Magaalada Muqdisho, tusaale ahaan,
waxaa si joogto ah loogu arkaa
dameero dhabarka ka jabay kuwaasoo
haddana loo isticmaalayo gaadiid.
5. Xadgudub iyo Tacadiyo ka Dhanka ah
Dameeraha Dameeraha Soomaaliya
ayaa sidoo kale la kulma xadgudubyo
ay ka mid yihiin garaacid, shaqo aan
kala joogsi lahayn, iyo in lagu
kaxeeyo meelaha kulul ee
waddooyinka magaalada iyadoon loo
fiirin xaaladooda caafimaad. Inta
badan mulkiilayaashu ma bixiyaan
xoogaa nasasho ah oo ay ku ladin
karaan dameeraha.
Tusaalooyin Ku Saabsan Dhibaatada
1. Abaarta Gobolka Galgaduud Abaarta ka
dhacday Galgaduud sannadkii 2022
ayaa sababtay in dameero badan ay
gaajo ugu dhintaan, maadaama aysan
jirin xarumo lagu daryeelo ama biyo
lagu siiyo. Qoysas badan ayaa
waayey gaadiidkoodii, taasoo
sababtay inay lug ku maraan masaafo
dhaadheer si ay u helaan biyo.
2. Magaalada Muqdisho:- Muqdisho, oo
ah magaalo mashquul badan,
dameeraha waxaa lagu isticmaalaa
rarista alaabaha culus sida dhuxusha
iyo alaabaha ganacsiga. Dameeraha
ayaa si xad-dhaaf ah loogu shaqeeyaa
iyadoo aan loo fiirin nasasho ama
xaaladooda caafimaad. Waxaa jira
kiisas badan oo la xiriira dameero
dhaawac qaba oo haddana lagu
qasbayo shaqo.
3. Gobolka Hiiraan:- Gobolka Hiiraan, oo
ah meel ay dadka reer miyiga ahi aad
ugu tiirsan yihiin dameeraha, waxaa
aad u yaraa helitaanka adeegyo
caafimaad. Dameeraha cudurro sida
surka iyo qandhada qaba ayaa si
fudud ugu dhinta maadaama aan loo
helin daawo ku filan.
Saameynta Daryeel Xumada Dameeraha
Dameeraha oo daryeel xumo ku dhaca waxay
saameyn ku yeeshaan bulshada ku tiirsan.
Qoysaska ku shaqeysta dameeraha waxay
wajahaan hoos u dhac dhaqaale marka
dameeraha ay awoodi waayaan inay
shaqeeyaan. Intaa waxaa dheer, xaaladaha
caafimaad xumo ee dameeraha waxay halis u
yihiin nafleyda kale iyo xoolaha kale ee
deegaanka ku nool, iyagoo faafin kara
cudurro halis ah.
Xalka Dhibaatada
Si loo xalliyo dhibaatadan, waxaa loo baahan
yahay tallaabooyin isdaba-joog ah oo waxtar
leh:
1. Wacyigelin Dadweynaha:- Waa in la
sameeyo ololeyaal wacyigelin ah oo
lagu barayo dadka isticmaala
dameeraha muhiimadda ay leedahay
daryeelka iyo caafimaadka
dameeraha. Barnaamijyo ka socda
idaacadaha iyo telefishinnada ayaa
gacan ka geysan kara kor u qaadista
wacyiga bulshada.
2. Dhisidda Xarumo Daryeel:- Waa in la
dhiso xarumo caafimaad oo si gaar ah
loogu talagalay dameeraha, gaar
ahaan gobollada miyiga ah.
Xarumahan waa in ay bixiyaan
adeegyo caafimaad iyo tallaallo si
looga hortago cudurro.
3. Bixinta Cunto iyo Biyo:- Waa in la
diyaariyo meelo dameeraha lagu siiyo
raashin iyo biyo nadiif ah. Dowladaha
hoose iyo hay'adaha maxalliga ah
waa inay gacan ka geystaan
fududeynta adeegyadaas.
4. Sharciyada Ilaaliya Nafleyda Waa in la
dejiyo sharciyo adag oo ka hortaga
tacadiyada dameeraha. Waxaa sidoo
kale muhiim ah in la helo dad si
joogto ah u ilaaliya fulinta
shuruucdaas.
5. Tababaridda Xirfadlayaasha
Caafimaadka Xoolaha Waa in la
kordhiyo tirada xirfadlayaasha
caafimaadka xoolaha ee aqoonta u leh
daryeelka dameeraha. Tababarro gaar
ah ayaa lagama maarmaan u ah kor u
qaadista xirfadaha lagu daryeelo
xoolaha shaqeeya.
Gunaanad
Dameeruhu waa laf-dhabarta nolosha iyo
dhaqaalaha qoysas badan oo Soomaaliyeed,
laakiin daryeel la'aanta iyo dayaca ayaa si
weyn u saameeyay noloshooda iyo
awooddooda shaqo. Xalka dhibaatadan
wuxuu ku jiraa wada shaqeyn ka dhaxeysa
bulshada, dowladaha hoose, iyo hay'adaha
caalamiga ah. Markasta oo dameeraha la
siiyo daryeel wanaagsan, waxay si buuxda
uga qayb qaadan karaan horumarka nolosha
bulshada iyo dhaqaalaha guud ee
Soomaaliya.
WABILLAHI TOWFIIQ