SAAMAYNTA BACAHA AY KU LEEDAHAY DEEGANKA,DADKA IYO XOOLAHA..pdf
ZakariyeXaaji
55 views
3 slides
Oct 03, 2024
Slide 1 of 3
1
2
3
About This Presentation
Markaan si kooban u sharaxno Bacaha waxa ay deegaanka u keenaan dhibaatooyin waaweyn oo saameynaya noolaha dabiiciga ah. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee bacaha ay sababaan waxaa ka mid ah:-
• Wasakhowga deegaanka:
• Cilad ku timaada nidaamyada bulaacadaha:
• Waxyeelada badda iyo noolaha badda:...
Markaan si kooban u sharaxno Bacaha waxa ay deegaanka u keenaan dhibaatooyin waaweyn oo saameynaya noolaha dabiiciga ah. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee bacaha ay sababaan waxaa ka mid ah:-
• Wasakhowga deegaanka:
• Cilad ku timaada nidaamyada bulaacadaha:
• Waxyeelada badda iyo noolaha badda:
• Dhibaato caafimaad oo ku timaada dadweynaha:
• Burburka ciidda iyo • Dilitaanka xoolaha.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Amb Khadija Al-Makhzoumi, ayaa shaacisay in laga bilaabo 30-ka Sebtembar, mamnuuc laga dhigay in bacaha dalka lasoo geliyo. Wasaaradda waxay sidoo kale bilowday wacyigelin ballaaran oo ku socota degmooyinka gobolka Benaadir, iyadoo qorshahu yahay in wacyigelinta la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka si wax looga qabto saamaynta xun ee bacaha caagga ah ku leeyihiin Soomaaliya.
ugu dambayn Tallaabadan ayaa ka caawin doonta bulshada in ay fahmaan saameynta ba’an ee bacaha. Waxaan rajeynayaa in wacyigelintan ay sii socoto si loo helo mustaqbal wanaagsan.
Size: 462.95 KB
Language: none
Added: Oct 03, 2024
Slides: 3 pages
Slide Content
SAAMAYNTA {BACAHA} AY KU LEEDAHAY
DEEGAANKA, DADKA IYO XOOLAHA
W/Q: - Zakariye Abdifatah Ahmed DVM, MPHIL.
Bacaha markii ugu horaysay waxaa la isticmaalay 1970-
meeyadii, waxayna caan ka noqatay goobaha laga
dukaamaysto, iyadoona laga heli karo aduunka oo dhan
sidoo kalane waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 500 oo
bilyan baco ah in la isticmaalo sanadkii.
Isticmaalka xad dhaafka ahi ee bacaha waa loo
sababeeyaa qiimaheeda oo aad jaban iyo sahlanaanta
isticmaalkeeda. Inta badan bacahaasi waxaa lagu tuuraa
qashinka hal mar kadib markii la isticmaalo, waxaana la
rumaysanyahay in bacaha ay ku sii negaan karaan
deegaanka in kabadan 1000 sano oo aan si fudud u
baaba’ayn taasina waxay dhibaato ba’an u keenaysaa
deegaanka, dadka iyo xoolaha.
Dhibaatoyinkeda waxaa kamid ahi in ay dhaawac u
keenayso bilicda dabiiciga ee deegaanka sido kalane
waxay xoolahu u keenaysaa xanuuno taasoo ugu
dambayn u horseedaysa in uu neefka u dhinto hadaadan
la daawayn.
Isku dayo aad badan oo lagu xanibaayo bacaha iyadoo loo
maraayo canshuuro iyo lacago kale si loo xaddido
isticmaalka iyo soo saarista bacaha. In kasta oo aanay si
buuxda u guulaysan, haddana waddamo qaarkood waxay
isku dayeen si mutadawacnimo ah in loo yareeyo
isticmaalka bacaha iyo dhibaatooyinkeeda.
Cilmi baarisyo aad u badan oo laga sameeyay Somaliya
ayaa muujisay in bacaha ay weli sababayaan wasakhow
ba'an oo deegaanka ah iyo sidoo kale waxyeelo caafimaad
oo ku timaada dadka iyo xoolaha ku nool magaalooyinka
iyo miyiga. Qaar ka mid ah sababaha keenaya waxaa ka
mid noqon Kara maaraynta qashinka oo aad uliidata oo
laga yaabee in ay jirto aqoon la'aan ama wacyiga oo aad
u hooseeya.
Markaan si kooban u sharaxno Bacaha waxa ay
deegaanka u keenaan dhibaatooyin waaweyn oo
saameynaya noolaha dabiiciga ah. Dhibaatooyinka ugu
waaweyn ee bacaha ay sababaan waxaa ka mid ah:-
Wasakhowga deegaanka: Bacaha ayaa ku sii
negaada deegaanka muddo aad u dheer, iyaga oo
aan si fudud u baaba'ayn. Waxay ku ururaan
dhulka, badaha, iyo wadooyinka taasoo dhaawac
weyn u geysanaysa bilicda dabiiciga ah iyo
deegaanka guud ahaan.
Cilad ku timaada nidaamyada bulaacadaha:
Bacaha ayaa xera nidaamyada bulaacadaha
magaalooyinka, taasoo sababta biyo fariisad iyo
dhibaatooyin kale oo caafimaad iyo nadaafadeed
la xiriirto.
Waxyeelada badda iyo noolaha badda: Bacaha
lagu tuura badda ayaa noqda khatar weyn ay
wajahan noolaha badda sida kalluunka,
shimbiraha badda, iyo xayawaanada kale ee ku
nool badda. Markay xayawaankan cunaan
bacaha, waxay la kulmaan dhibaato caafimaad oo
sababi Kara dhimasho.
Dhibaato caafimaad oo ku timaada
dadweynaha: Bacaha markii loo gubo si aan
habboonayn, waxay sii daayaan kiimikooyin sun
ah oo hawada ku faafa, taasoo waxyeelo u geysan
karta caafimaadka dadka, gaar ahaan kuwa ku
nool meelaha lagu gubo bacaha.
Burburka ciidda: Bacaha lagu tuuro dhulka
waxay ka hortagaan in ciidda ay biyaha iyo
hawada si dabiici ah u nuugaan, taasoo
yareynaysa tayada dhulka iyo wax soo saarka
beeraha.
Dilitaanka xoolaha: Bacaha lagu tuuro
deegaanka ayaa laga yaabaa in ay cunaan xoolaha
sida lo'da, ariga, idaha, iyo duurjoogta, taasoo
keenaysa in ay nafaqo-darro ama xanuun la
kulmaan, mararka qaarna ay sababto
dhimashadooda.
Si aan u ogaano bacaha dhiwaatada ba’an ay ku
hayso xoolaha, waxaan waraysi la yeeshay
Dr.Ibraahim Daahir Cusmaan, oo ah Dhakhtar
ka howlgala Duunyo Veterinary Service
xarunta Guriceel, waxaana wax ka waydiyay
saamaynta ba'an bacaha ay xoolaha u gaystaan.
Ugu yaraan 2 cases ayaa xarunta la inagu keenaa
isbuucii oo la xiriirta neef baco uu cunay la
xanuunsan. Calaamada lagu gartane ay kamid
tahay neefkii oo caato noqda, cuntada diido ayna
ugu wacantahay bacahaasi qashinka oo caloosha
ka buuxiya tasoo keenaysa uu xermo dheef
shiidka neefkaas, sidoo kale hadii neefka isla
markii qaliin deg deg ah aan lagu samayn
neefkaas waxa uu halis ugu jiraa in uu dhinto
ayuu sii raaciyay Dr.Ibaarhim daahir
Cusmaan.
Mar hadaan soo fahanay bacaha dhibaatada ba’an ay
u keenayso deegaanka, xoolaha, dadkaba, maxaa
inala haboon?
Aduunka dowlado badan ayaa mamnuucay
isticmaalka bacaha markay fahmeen dhibaatada
ba’an ay ku hayso deeganka, dadka iyo
xoolahuba ay kamid yihiin Bangladesh,
Cambodia, Hong Kong, India, Indonesia,
Malaysia iyo Taiwan sido kale wadamo badan oo
Africa ku yaalo sida Kenya, Mali, Tanzania,
Uganda, Malawi, Morocco, South Africa,
Rwanda iyo wadamo kale oo badan ayaa laga
mamnuucay ama cashuur dheeri ah ladul saaray
si loo yareeyo khatarta ba’an ay ku hayso
deegaanka, dadka iyo xoolaha.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada
Soomaaliya, Amb Khadija Al-Makhzoumi,
ayaa shaacisay in laga bilaabo 30-ka Sebtembar,
mamnuuc laga dhigay in bacaha dalka lasoo
geliyo. Wasaaradda waxay sidoo kale bilowday
wacyigelin ballaaran oo ku socota degmooyinka
gobolka Benaadir, iyadoo qorshahu yahay in
wacyigelinta la gaarsiiyo gobollada kale ee dalka
si wax looga qabto saamaynta xun ee bacaha
caagga ah ku leeyihiin Soomaaliya. Ganacsatada
soo dejiya bacaha ayaa la tashiyo lagula
sameeyay arintaan.
Marka bacaha laga mamnuuco dalka,
faa'iidooyin badan ayaa ka dhalanaya:-
Midda ugu horreysa waa hoos u dhaca
wasakhowga deegaanka, maadaama bacaha aan
si fudud u baaba'ayn ay khatar ku yihiin dhulka,
badaha, iyo hawada. Tani waxay sidoo kale gacan
ka geysaneysaa badbaadinta xoolaha iyo
duurjoogta oo si qalad ah u cunaya bacaha, taasoo
sababta xanuun ama dhimasho. Bilicda
magaalooyinka iyo miyiga ayaa sidoo kale
hagaagaysa maadaama bacaha oo dhulka daadsan
ay yareynayaan quruxda deegaanka.
Sido kale Caafimaadka dadweynaha ayaa
hagaagaya maadaama ay yaraanayso sumowga
hawada. Wadar ahaan, mamnuucistan waxay
gacan ka geysanaysaa ilaalinta deegaanka iyo
caafimaadka bulshada.
Ugu dambayn, waxaan u mahadcelinayaa
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka
Cimilada Soomaaliya, ay ugu horayso Wasiir
Amb Khadija Al-Makhzoumi, oo hogaamisey
mamnuucista bacaha ee dalka. Waxaan sidoo
kale aad ugu amaanayaa bilaabista ay bilaabeen
wacyigelin ka dhan ah bacaha, taasoo muhiim u
ah ilaalinta deegaanka. Tallaabadan ayaa ka
caawin doonta bulshada in ay fahmaan saameynta
ba’an ee bacaha. Waxaan rajeynayaa in
wacyigelintan ay sii socoto si loo helo
mustaqbal wanaagsan.
WABILLAHI TOW FIQ